Saleebaan Xagla-Toosiye” Cali Khaliif Galaydh Markii Aan SSC Hoggaaminyay Wuu I Mucaaraday,Aniguna Haddaan Mucaaradayaa”

0

Hargeysa(AGGM) Saleebaan Ciise Axmed oo maamulka Somaliland ugu magacaaban Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in wakhtigii uu gudoomiyaha u ahaa jabhaddii SSC uu ahaa uu Cali Khaliif Galaydh ninkii ka soo horjeeday SSC, isla markana mucaarad ku noqday, isaguna uusan maanta aqbali Karin.

Saleebaan Ciise Axmed Xagla-Toosiye  ayaa yiri “Cali Khaliif in uu arrintaa mar labaad uu ku celiyey sidii tii shalay ay u shaqayn wayday baa tanina aanay u shaqaynaynin dadka yaan la lugooynin”.

Saleebaan Xaglo Toosiye ayaa dawlada Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeyso maamulka lagu dhisay Saaxdheer, isagoo sheegay in Soomaaliya ay farogalin ku hayso goboladda Bariga Somaliland.

“Dawlada Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxda ka yahay ha ka dayso fara galinta ay ku wado dalka Somaliland” ayuu yiri

Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye ayaa maamulka ay dhisteen beeshiisa waxa uu ugu yeeray wax ay rag dhoodhoobeen, isagoo sheegay in doorashada madxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin maamulkooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com