Guddoomiyihii Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Oo La Badelay

0

Muqdisho (AGGM) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa wuxuu u magacabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu xilkaas ka qaaday Cabdi Jiinow Calisow oo muddo 2 sano ka badan ahaa guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe.

Sidaan ayaa loo qoray qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay qodobka 87aad, qodobka 90aad iyo qodobka 99aad ee dastuurka jamhruuiyada federaalka Soomaaliya. Markuu arkay sharciga 116 ee soo baxay 6-Agosto 2013 kuna saabsanaa sharciga maamulada degmooyinka gobolada dalka, markuu ogaaday mudadii Kmg ee Gudoomiyenimada Gobolka Shabeelaha Dhexe uuna gobolka u baahan yahay Gudoomiye cusub, markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo inay jirto baahi loo qabo dhisida maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, si ay mustaqbalka u dhismaan dowlad goboleedyo dastuurka waafaqsan, wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyada ka qaada Gudoomiyihii Gobolka Cabdi Jiinow Calasow wuxuuna Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe u magacaabay Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)”ayuu yiri Shadoor Xaaji oo wariyeyaasha u aqriyay wareegtada Madaxweynaha.

Cali Guudlaawe ayaa ah nin ay yaqaanaan umada degan gobolkaas, kaasoo horey xilal uga soo qabtay gobolka Shabeelaha dhexe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com