Dhageyso:Khasaare Ka Dhashay Dooni Qaad U Waday Magaalada Kismaayo Oo Ku Degtay Madhawa

0

Madhawa(AGGM) Doonidan ayaa sida la sheegay waxa ay qaad u waday magaalada Kismaayo, iyadoo qaadka ka soo qaaday deegaanka Kulbiyoow oo ku dhaw xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Ugu yaraan 1 qof oo kamid ahaa raggii qaadka watay ayaa halkaas ku geeriyooday, iyadoo qaadkiina ay badda qaaday.

Doontan ayaa waxa xilliga ay degaysa ay ku sugnayd jaziirada Madhawa, taasoo caadiyan ay soo mari jirtay maalin walba.

Alshabaab ayaa go’doomiyey deegaanada Kulbiyoow, Madhawa, Afmadoow, Kismaayo iyo Hoshingow waxaana gabi ahaanba jirin dhaq dhaqaaq gaadiid, taasoo sababtay in doonyaha loo isticmaalo in qaadka iyo alaabooyinka kale lagu soo qaado.

Magaalada Kismaayo ayaa qaadka laga cuno waxaa lagu soo daabulaa doonyo maadaama ay magaalafu tahay mid gabi ahaanba go’doonsan oo aysan amaankeeda sugi Karin maleeshiyada Raaskambooni.

Qaadka ayaa marka hore waxaa la keenaa xadka dalka Kenya deedna waxaa loo soo gudbiyaa Kulbiyow halkaasoo doonyo dheereeya lagaga soo qaado.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com