Dhageyso:Ugaas Cabdullaahi Ciise Oo Gaaray Garoowe, Waydiistayna Madaxda Puntland Inay Somaliland Ka Xoreeyaan Sool Iyo Sanaag

0

Garoowe(AGGM)  Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur, oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ugaaska ayaa waxaa soo dhaweyntiisa qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland, wasiiro, madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa iyo bulshada degan Garoowe.

Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade iyo isimo waa wayn ayaa sidoo kale ka qeybqaatay soo dhaweynta Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur.

Magaalada Garoowe ayaa haatan waxaa ku sugan inkabadan 50 Isimo iyo salaadiin isugu jira oo ka kala yimid gobollada Sool iyo Cayn, kuwaasoo madaxda Puntland cadaadis ku saaraya in ay dib u xoreyso deegaanada ay haysato Somaliland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa horay u sheegay inuu qabanqaabinayo shir weyne, kaasoo lagu casuumi doono waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sool.

Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur ayaa ka codsaday madaxweynaha Puntland in uu fuliyo balanqaadkiisii ahaa inuu gacanta Puntland dib ugu soo celin doono deegaanada Puntland ee ay haysato Somaliland.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com