Askari iyo Haweeneey lagu Dilay Baledweyne

0

Koox Hubeysan ayaa weerar ku qaaday guri ku yaala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda, iyagoo qorigiina ka qaatay ,waxaana isla goobtaasi ku dhaawacmay qof rayid ah oo Askariga ay isku guri joogeen.

Ciidamada Amaanka ayaa halkaasi gaaray mana aysan qaban kooxihii weerarakasi ka dambeeyay balse rasaas ay fureen Ciidamada ayaa waxaa ku dhintay qof haweeney ah.

Hadaba mid kamid ah dadaka ku nool xaafada dhagax jabis la yiraahdo ee Beledweyne katirsan oo ah halka uu weerarka ak dhacay ayaa Keydmedia online u in Kooxo Hubeeysan ay Askariga Toogteen,kadibna ay Baxsadeen.

Goobjoogaha ayaa u sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Xirxireen Tiro Dad ah oo ka Agdhawaa goobta uu falka ka dhacay.

Majirto cid ilaa hada sheegatay masuuliyada weerarkaasi ka dhacay Baledweyne, iyadoo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan qaarkood oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen inay arintan faafaahin ka bixiyaan.