Al-shabaabka Bakool oo xaalad adag wajahaaya

0

Wararka ka imaanaaya gobalka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay galeen heegankii ugu dambeeyay iyaga oo qaadi doona dagaalo ka dhan ah Al-shabaab.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ay ku wajahanyihiin deegaano badan oo gobalkaasi ah, waana dagaalkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab lagu qaadaayo.

Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee hogaaminaysa Guutada 60-aad eek u qoran gobalkaasi ayaa u sheegay in dagaalkaan uu yahay kii ugu dambeeyay.

Al-shabaab ayaa dhankooda galaaya heegan ay ku doonayaan in ay duulaankaan kaga horta