Warar Sheegaya In Axmed Daaci Uu Isa Soo Dhiibay

0

Muqdisho(AGGM) Warar aanu ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in uu isa soo dhiibay Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci oo ah gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo saaka ciidamadiisu ay dagaal uu dhexmaray ciidamada dawlada.

Ciidan xoogan oo ka tirsan ilaalada xildhibaan C/qaadir Macallin Nuur, ayaa lagu soo waramayaa in uu isku dhiibay Axmed Daaci, Iyadoo la xaqiijiyay in ciidankan oo si aad ah u hubeysan watana gaadiidka gaashaaman ay gudoomiyihii hore ee Wadajir u galbiyeen dhanka madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Axmed Daaci ayaana la sheegay in hada uu ku suganyahay xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa- Soomaaliya.

Mana jiraan ilaa hada cid ka tirsan dowladda oo warkaan ka hadashay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com