Sawiro Dheeraad Ah: Wasaarada Amniga Qaranka Iyo AMISOM Oo Soo Bandhigay Maleeshiyo Iyo Hub Laga Qabtay Axmed Daaci

0

Muqdisho(AGGM) Wasaarada Amniga Qaranka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa goor dhoweyd xarunta Xalane waxa ay ku soo bandhigeen ciidamo iyos saanad ciidan oo ay kamid yihiin hub fara badan.

Hubka iyo maleeshiyada ayaa waxaa lagu soo qabtay dagaal saaka ka dhacay guriga Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.

AMISOM ayaa maleeshiyaadkan waxa ay kala kulantay iskacaabin xoogan ka hor inta aysan u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan.

Sarkaal u hadlay Ciidamada AMISOM oo lagu magacaabo Dick Prit Olum ayaa sheegay in howl galkan ay ku soo qabteen hub fud fudud iyo rasaas iyo maleeshiyo intaba.

Halkaan Ka Daawo Sawiro Dheeraad Oo Ay Idiin Soo Gudbinayso AGGM

1 2 3 4 5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com