(SAWIRO) AMISOM Oo Soo Bandhigtay Hubkii Axmed Daaci Muqdisho Looga Qabtay

0

Muqdisho(AGGM) Taliska Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa uu magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub iyo saanad ciidan oo laga soo qabtay weerar saaka lagu qaaday gurigii Axmed Daaci.

AMISOM ayaa hubkaan waxa ay ku soo bandhigeen Xerada Xalane, iyadoo sheegtay in hubkaan uu lahaa Axmed Xasan Cadoow Axmed Daaci gudoomiyihii hore ee Degamda Wadajir.

AMISOM ayaa saaka weerartay guryaha Axmed Daaci, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo Cumar Finish, taasoo qeyb ka ahayd howlgalka hub ka dhigista ee Muqdisho ka socda.

AMISOM ayaa sidoo kale soo bandhigtay ciidamo u dagaalamayey Axmed Daaci

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA HUBKA IYO MALEESHIYADA AXMED DAACI

s1 s3 s4 s3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com