Dhageyso: Qaramada Midoobey Oo Dhexdhexaadinaysa Puntland Iyo Federaalka

0

Muqdisho(AGGM) Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ugu qeybsan Soomaaliya Amb Nicholas Kay  ayaa sheegay in qorshaha maamulka loogu dhisayo gobollada dhexe ee dalka in aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin jiritaanka Puntland.

Mr. Kay ayaa sheegay in dhawaan uu qorsheynayo inuu booqasho ku tagay magaalada Garoowe, si uu halkaas ugula soo hadlo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu sheegay in ay Puntland si adag ugala hadli doono khilaafka u dhexeeya iyaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxyaabaha uu madaxda Puntland kala hadli doono mar wax laga weydiiyey, wuxuu sheegay inay ugu muhiimsan tahay sidii looga arrinsan lahaa khilaafka sii xoogeystey ee ka dhex aloosan Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaramada midoobey waxay rajo ka muujisay in is-fahan-waaga jira si dhaqso ah lagu soo afmeero, Kay isagoo sii hadlaya ayuu carabka ku dhuftay in Puntland ay tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayna mudan tahay in cabashooyinkeeda gaarka ah si dhaqso ah looga jawaabo.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com