MAQAAL: DADKA SOOMAALIYEED WALI FURSAD BAY HAYSTAAN.

0

Tan iyo bilawgii dirirtii soomaalida dhexdeeda dagaalkii ka socday ee ku salaysnaa ku hardanka xukun wadareedka dalka Cidda hogaanka u haynaysa wuxuu ina dhaxalsiiyay dhib fara badan oo aan la soo daalaa dhacaynay 30kii sano ee ugu danbeeyay wuxuu marayaa in mar dhaw ruux waliba ku waabariisan doono wuxuu kanaxo.

Waxaana hubaal ah in ruux waliba eeddaas qaybtiisa leeyahay “Rag iyo Dumarba” ha loo kala batee
Waayo qof kastoo soomaaliya wuxuu u sacab tumay Dirirtii iyo colaaddii ka shidantay soomaaliya ee ku salaysnayd Qabiilka Qabyaaladaysan ee ay Gacanta cadaabtaa u hastinayeen Qab-qablayaashii dulaalka dalkoodii ku badashay ee naxariista Darnaa

Kadib markii lagu kala adkaan waayay dirirtii iyo ku hardankii xukunkii iyo khayraadkii dalka,laguna heshiin waayay waxaa yimid siyaasado cusub iyo afkaaro kala duwan oo ay cid waliba wadaanteeda u ridatay kana fushatay daneheedii ugaarka ahaa.

waxaa xusid mudan dhibta soomaaliya in ay Qayb kayihiin dadyaw iyo dawlado shisheeya oo dalka danayaw kala duwan ka leh USA, Europe, Arab countries, Africa ha noqdaan dalal iyo dadyaw inaga fog ama inagu dhaw.

Ugu danbeyn haddaan kala adkaan waynay manala gudboontahay inaan heshiino si aaynaan uwaayin waxa aan hadda isku haysano ee ah Dalka ama dhulkaan maanta soomaaliya loo yaqaano ?

Indheer garadnimada soomaalidu waa yartahay waana ummad inta badan eegta waxa maalinkaas jooga iyo danta maalinkaas uu ruux waliba leeyahay.

Qarammada adduunkaan kajira iyo Quruumuhu waxay hamiyaa eegaan waxay ahaan doonaan 100ka boqolka sano ee soo socda waxa dal iyo dadba ahaan doono, dhaqaalo ahaan amni ahaan iyo waliba siyaasad iyo military ahaanba.

Maxaa inaga noo diiday inaan bari kaliya mustaqbalkeena ka fakarno ?

Waxaan oran lahaa dhalinyaradu maanta fursadda bay haysataan aqoon iyo maskax iyo xoogba in aad midawdaan maanta fursad baad haysataan aad ku saxdaan waxay khaldeen kuwii idin ka horeeyay ee dhibtaan dal iyo dadba baday
Iskana jirtaan hagar daamada iyo hoggagga cadawgu idiin maleegaayo iyo siyaasiga hanka yar balse caloosha weyn.

Diida Qoqobka iyo kala qaybinta
Diida Qabiil Qaran manoqdee qabiil xuduudeedka
Diida kala irdheynta dhexdiinaa adinkoo isku Qoys ah
Diida Quursiga iyo qabiiladu way kala fiican yihiin
Diida maamul Goboleed beena oo Qabyaaladeysan
Diida in Qayraadkiina lagurto inta la idin kala qaybiyo
Diida federal government Beena sidii adinkoo Qoomiyado isu yimida.

Diida in lugaha la iidin Qabto dawladaha dariskaa ee aan xuduudaha wadaagno iyagoo xoogaysan waana inta badan waxa inoo diiday inaan dawlad adag noqono ee naloo doonaayo inaan noqono reero yar-yar oo u eg Emirates-ka liita ee khaliijka.

Oo maamul goboleed kastaba looga yeero Ethiopia iyo kenya (Kamaa tushashidduuna al Aaana)
Madaxweynaha juba oo la kulmay……kenya
Madaxweynaha puntland oo la kulmay…..Ethiopia
Madaxweynaha somaliland oo la kulmay..Ethiopia

Ugu Danbeyn maalinbaa soo socota waana sida la doonaayo inaan ukala qaybsano Qay ay Ethiopia maamusho, iyo Qayb ay kenya maamusho waadna aragtaan Astaameheeda.

Ma maantaan diidnaa wali fursad baan haysannaaye ?
Mise Baribaan wada Ooynaa sida Palestine=falastiin ?

By Dahir-wadani=shanta soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com