Dhageyso: Guryaha Axmed Daaci Iyo Cumar Finish Oo La Weeraray Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0

Muqdisho(AGGM) Dagaal kii ugu xooganaa oo Muqdisho ka dhaca tan iyo markii Alshabaab laga saaray magaalada Muqdisho ayaa saaka halkaas ka dhacay.

Dagaalka ayaa bilawday saaka aroortii hore, wuxuuna ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dad reer Muqdisho ayaa ku waabariistay rasaas xoogan iyo madaafiicda kala duwan oo la iswaydaarsanayo.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii ciidamada nabad sugidda ay weerareen  guriga Guddoomiyihii hore ee Wadajir Axmed Xasan Caddow Axmed Daaci iyo guri kale oo uu leeyahay Xildhibaan Cumar Filish.

Warar ayaa sheegaya in ciidamada dawlada si aad ah laga isaga caabiyey intii uu dagaalkaas soconayay.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay garab soo siisay ciidamada dawlada oo ay dagaalka ku soo biiray markii dambe.

Labada dhinac ee ciidamada dawlada iyo ilaalada Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa dagaalka waxaa ka soo gaaray qasaare xoog leh iyo waliba dad shacab ah.

Muqdisho waxaa dhwaanahan ka soconayay howlgal loogu magacdaray hub ka dhigis kaasoo lagu bartilmaameedsanayo madax hore, xildhibaano iyo kooxo qabqableyaal oo awood ciidan oo weyn ku leh Muqdisho.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com