Guddoomiyaha Degmada Balanballe Hareeri Xasan Barre” Reer Miyigii Ku Dagaalamay Laanshiilaale Waa La Kala Dhex Galay”

0

Balanballe AGGM) Guddoomiyaha degmada Balanballe Hareeri Xasan Barre ayaa sheegay in la soo afmeeray xiisad colaadeed oo shalay ka kacday deegaanka Laanshiilaale oo u dhaxeeya Balanballe iyo Xeraale.

Hareeri ayaa sheegay in maamullada Balanballe iyo Xeraale ay durbadiiba iska kaashadeen sidii arrintaas xal nabadeed loogu soo afjari lahaa, wuxuuna sheegay in saaka ugu dambeyn xal nabadeed la kala dhex dhigay.

Saddex qof ayaa dhimatay kaddibmarkii dad reer miyi ah ay shalay ku dirireen deegaanka Laanshiilaale oo ah goob ay wada deganyihiin beelo walaalo ah.

Guddoomiyaha degmada Balanballe Hareeri Xasan Barre ayaa ugu baaqay shacabka wada dhashay inay ka waatoobaan colaadaha, ayna ka shaqeeyaan nabad iyo horumar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com