Dhageyso: Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan” Sabab La Igu Soo Weeraro Ma Jirto, Waa Sugayaa Haddii La Ii Dilayo Xasan Guurguurte Maxaad Wax Uga Sheegaysaa” ”  

0

Muqdisho(AGGM) C/llaahi Sheekh Xasan Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada ayaa wuxuu kamid ahaa xubno saaka guryahooda ay weerareen ciidamaada AMISOM iyo kuwa dawlada Soomaaliya.

Weerarka wuxuu qeyb ka ahaa howlgalada hubka ka dhigista ee magaalada Muqdisho ka socda, kuwaasoo ay golaha wasiirada Soomaaliya dhawaan meelmariyeen.

Warsaxafaadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalka ay ku taageerayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku soo qabteen 15-Qori saanad hub iyo tiro maleeshiyo ah kuwaasi oo ay sheegeen in xabsiga u taxaabeen.

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay inaysan jirin  sabab lagu soo weeraro gurigiisa, wuxuuna dhaliilay sida ay saaka wax u dhaceen.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com