Dhageyso: Isu Duwaha Wasaarada Caafimaadka Ee DF ee Gobolka Gedo Shire Codeey”Ma Jiraan Illaa Hadda Wax La Soo Gaarsiiyey Dadka Ay Ku Dhufteen Abaaraha Gedo”

0

Garbahaareey (AGGM) Ugu yaraan 3 carruur ah ayaa u geeriyootay biyo la’aan iyo macluul ka taagan qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

Deegaanada ugu daran ayaa waxaa kamid ah Garbahaareey, Ceelcadde, Gerileey, Buusaar, Ceelwaaq, Dhaso, Garsaal iyo kuwo kale oo badan. Abaarta ayaa waxa ay ku dhufatay dhul gaaraya 350 Km oo isku wareeg ah.

Isu duwaha wasaarada caafimaadka ee dawlada Soomaaliya ee Gobolka Gedo Shire Maxamed Codeey ayaa sheegay in abaaro kuwii ugu darnaa ay ka taaganyihiin deegano ka tirsan gobolka Gedo.

Shire Codeey ayaa sheegay ay jiraan dad u dhintay oon iyo cuduro oo u badan caruur isagoona intaas ku daray in ay jiraan kuwa kale oo qarka u saaran in ay dhintaan.

Isu duwaha wasaarada caafimaadka ee dawlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay qeylo dhaan u direen dawlada Soomaaliya oo ay qoraallo gaarsiiyeen.

Shire ayaa ka codsaday dawlada iyo hey’addaha gargaarka in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan dadka ay abaaraha ku dhufteen ee ku dhibaateesan gobalka gobalka Gedo.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com