Dhageyso: Afhayeenka AMISOM Col Cali Aadan Xumad”Siyaasi Hub Haysta Muqdisho Ma Joogi Karto”

0

Muqdisho AGGM) Col Cali Aadan Xumad afhayeenka AMISOM ayaa ka hadlay howl galo ay maanta ka fuliyeen guri uu lahaa gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.

Col Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ay howlgalka kula wareegeen hub, saanad ciidan iyo ilaa 20 kamid ah dagaalyahano u dagaalamayay Axmed Daaci.Wuxuu sheegay in nasiib daro ciidamadooda laga horyimid iyagoo doonayay in nabadgelyo ah ay gurigaas ku galaan.

Dhinacooda ayaa wuxuu sheegay in 1 askari uu kaga dhaawacmay balse ay jiraan khasaare kale oo meesha ka dhashay oo la gaarsiiyey isbitaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa tilmaamay inaysan ogolaan doonin in cid kale oo aan dawlada ahayn ay hub ku haysato Muqdisho.

Halkaan Ka Dhageyso Col Cali Aadan Xumad

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com