Daawo: Kulan Lagu Taageerayay Raisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan Oo Dhawaan Loo Doortay Madaxweynaha Turkiga

0

Muqdisho(AGGM)  Recep Tayyip Erdogan  madaxweynaha ee wadanka Turkiga ee ah wadanka Soomaaliya saaxiibka la ah ayaa waxaa lagu xasuustaa in uu soo celiyay rajadii umada Soomaaliyeed ee go’doonka ku jirtay mudada 24ka sano ah.

Erdogan wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee wadan awood leh ka socda ee booqda magaalada Muqdisho muddo 20 sano ah, taas waxa ay soo celiyay rajadii ahayd in Soomaaliya ay ku soo dhiiridaan dawlado badan.

Erdogan ayaa xilka raisul wasaarenimo ee Turkiga qabsaday sanadii 2003-dii, waxaana la rumeysanyahay in uu sare u qaaday dhaqaalaha wadanka Turkiga oo haatan kamid ah wadamada caalamka ee dhaqaalahoodu yahay heerka ugu wanaagsan.

Magaalada Muqdisho ayaa laga soo dhaweeyay doorashadiisa, iyadoo ay dadka ka qeybgalay kulan halkaas ka dhacay ay dhamaantood amaan u soo jeediyeen Mr Erdogan.

Halkaan Ka Daawo Muuqaal

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com