Akhri: Reer Somaliland Oo Si Xun Isku Canaantay Kaddib Doorashadii Prof.Galaydh Iyo Qoraa Afka Furtay

0

Cali Khaliif Galaydh oo siilaanyo kala wareegay dalkii xili xukumaddu ku mashquulsanayd dagaal ka dhan ah kooxda xidigahaGeeska Qalinkii faysal cumar madar (faysal qumuj) 

Hargeysa- wuxuu yidhi qalinkiyo tawaadii isii yaanan maax dumine, Somaliland manta waa halkii qolada kulmiyee waa markii u horeysay ee dalkani yeesho laba madaxweyne, bal hada dib u eeg hada qudbadii madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, qudbadiisii udanbaysay maalintii xilka uu Ahmed Siilaanyo ku wareejinayay.( aniga cid wax igu wareejisay ma jirin aniga iyo waliba madaxweyne yaashii iga horeeyay ee cabdiraxman iyo ina-cigaal toona lakiin manta adiga waxaan kugu wareejinayaa dal mida iyo dad mida ee halaguugu yimaado), horta waxaan shaki ku jirin in aanay manta muuqan midna in loogu iman doono waayo eeg goboladii bariga Somaliland waa kuwaa dawlada federaalka Somalia ku le na aqonsada iyaga oo Somaliland dhexdeeda jooga.

Waxaan is waydiiyay intii hawshan lagu dooranayay madaxweyne iyo baarlamanka halkee ayay ku mashquulsanayd dawladii dalka xukumaysay, waxa ii soo baxday jawaabtan: sida aynu ognahay waxa dhawaantan oo dhan laga baahinayay ama saxaafada oo dhan waa ta dalka iyo ta dibadaba ama ta somalida kale laga leeyahayba in shir lagu qabanayo meel Somaliland ku taala oo ladoonayo in maamul laga dhawaaqo, waxay ila noqon wayday inaga oo leh wasaarad dhan oo kaliya qarankan u qaabilsan warbaahinta ayaa waxay ku mashquulsanayeen dagaal aykula jireen Kooxda Xidigaha Geeska oo la iisheegay in wasiirkiina ku qancinayay qoyska siilaanyo in ay xafalada qurbo jooga lagu casuumayo ay ka heesaan koox aad u taqaan sida loo raali galiyo madaxda dalka oo ka dhisan Magaalada Jigjiga oo uu ku maqan yahay agaasimihii guud ee wasaaraduna yaab kale. Inkastoo aanay muran kujirin sida loogu aaminikaro dalka xukumadan ku mashquulsan sida ay ula dagaalami lahayd kooxda xidigaha geeska.

Waxaynu wada ognahay halka ay marayso siyaasadeenii arimaha dibadu iyo siyaasadeenii arimaha guduhuba waxa aynu lawada socnaa in siyaasi yiintii kazoo jeeday gobolka sool guud ahan ay tabasho badani jirto markii ay garan waayeen cid ay lahadalan iyo si ay ulahadalan xukumad qoys noqotay, waan ugaraabay ku tagay iyo kuwa daba socdaba.

Halku dhagyadii markii siilanyo ku jiray ololoha wax aka mid ahaa ” nin garaanaya afka lagu gudbianayo qadiyadaada ayaa wax loo dhiibtaa” oo aan imika u fahmay inuu uga jeeday waxa Somalia idinku dari kara aniga oo Siilaanyo ah markaad aragto sida uu wax uwado waayo? boqor buurmadow waxa uu sheegay in cali khaliif is arkeen hadeerna uu sugayo soo noqoshada madaxweyne siilaanyo oo xiligaa ku sugnaa UK, waxa aan is-idhi waakan yimid ee uu Galaydhna madaxweyne noqdaye kolay waa la isla ogaa!

Hadaba laba mid uun ayaa u taala dadka reer Somaliland in uu madaxweyne siilaanyo sheego aragtida iyo qorshaha Ficliyan dhabta ah ee ay xukumadiisu ka leedahay kooxda Galaydh iyo in bulshadu ay Galaydh taageeraan oo uu kala wareego xukumada siilaanyo meesha ilayn mar hadii ay ku mashquul sanyihiin oo ay dalkii ku ilaabeen dagaalkan aykula jiraan kooxda Xidigaha Geeska.

Eeg tuducyadan ka midka ahaa maansadii hadraawi ee DAALACAN:

Durbaankay tuntumayaan

Dawankaynu sidannaa

sida danaba u baab’in

Dugsadaha qabiilkiyo

Dib-ka-naaxa shaac baxay

Diga-rogashadeennii

Iyo dawladnimadii

Dib inay u celiyaan

Qorshahayga kuma darin

Nin kastaa ha duudsiyo

Ama dala’si haw xado

Ama duurka haw xulo

Ama dabinno haw dhigo

ama duhur ha weeraro

Ama damac ha dhaafsado

Gobannimadu waa degel

Dayax iyo iftiin nool

Dumimeyso weligeed

Anigaa dabka u sida

Qalinkii faysal cumar madar (faysal qumuj)