Saddex Qof Oo Lagu Dilay Deegaan Lagu Magacaabo Laan-shiddaale Oo U Dhaxeeya Balanbal Iyo Xeraale

0

Balanbal (AGGM) Muran ka dhashay barkado laga qodayey dhul daaqsimeed lagu magacaabo Laan-shiddaale oo u dhaxeeya degaanka Xeraale iyo Degmada Balanbal ayaa sababay geerida ilaa 3 qof.

Sadexda qof ee dhimatay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kaddib iska horimaad dhexmaray xoolo dhaqato ku muransanaa in barkada halkaas laga qodo iyo in kale. Ugu 4 qof oo kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawac.

Guddoomiyaha deegaanka Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la kala dhigay goobo caafimaad oo ku yaalla Balanbal iyo Xeraale.

Guddoomiyaha ayaa ka codsaday in dadka degan Balanbal iyo Xeraale ay isku yimaadaan oo arrintaas ay si nabdoon ku xaliyaan maadaama ay yihiin dad walaalo ah. Dhinaca kale waxgarad ayaa galabta arrintaas ku baxay sidii ay u soo dhamayn lahaayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com