500 Boqol Oo Qori Oo Muqdisho Lagu Qabtay Iyo Dawlada Oo Talo Loogu Jeediyay In Ay Dadka Ka Iibsato Hubka

0

Muqdisho (AGGM) Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka ee Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ku qabteen hub cadadkiisu uu gaarayo ilaa 500 oo qori. 

Maxamed Yuusuf oo la hadlay wakaaladda wararka AP in  hub ka dhigista ay u billaabeen sidii ay uga hortagi lahaayeen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab kuwaasoo falal amaandaro ka gaysta magaalada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah guddiga baaralamaanka u qaabilsan amniga ayaa isaguna sheegay in ololaha hub ka dhigista uu xal u yahay nabadgalyada caasimadda. Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in dawladu ay sidoo kale la timaado qorshe ay hubka uga iibsanayso dadka iyagu hubka haysta.

wuxuuna tilmaamay in ay suurtagal tahay in dowladdu dadka ka iibsato hubka, si looga fogaado cabasho ka timaadda muwaadiniinta.

Magaaladda Muqdisho ayaa dhawaanahan ka soconayay qorshe hubka looga dhigayo qaar kamid siyaasiyiinta oo iyagu haysta hub iyo maleeshiyaad intaba. sharciga  hubka dhigista ayaa waxaa dhawaan meelmariyay Golaha wasiirada  Soomaaliya inkastoo uusan baarlamaanka ansixinin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com