Maleeshiyo Dilal Ka Gaystay Gaarisa Iyo Mandheera

0

Gaarisa(AGGM) Amaanka magaalooyinka Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari iyo Mandheera ayaa faraha ka sii baxaya kaddib marki maleeshiyo hubeysan oo aan la garaneyn ay weeraro xoogan ka gaysteen magaalooyinkaas maalmihii la soo dhaafay.

Maalmihii Arbacadii iyo Talaadadii aya waxaa ka dhacay labada magaalo ka dhacay ilaa 3 dil.

Magaalada Mandheera  maleeshiyo hubeysan ayaa rasaaseeyay dad ka shaqaynayy shirkad dhisme, kuwaasoo oo wado ka dhisayay magaalada.

Kooxda ayaa la rumeysanyahay inay ka tirsanaayeen Alshabaab, waxayna isaga baxsadeen goobta ay weerarka ku qaadeen.

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa koox hubeysan ay ku dishay magaalada labo qof oo rayid ah, kuwaasoo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada.

Alshabaab ama cid kale toona ma aysan sheegan weeraradaas.Laakiinse Alshabaab ayaa horey loogu yaqaanay in ay gobolkaas ku qaado weeraro ay ku beegsanayso askarta Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com