K/AFRIKA : Dibadbaxyo Saameeyey Soomaalida Oo Gilgilaya Cape Town

0

Dibadbaxyo waaweyn oo saameyn ballaaran ku yeeshay Soomaalida Koonfur Afrika, ayaa maalintii 2aad ruxaya Magaalo-xeebeedka Cape Town.

Buuqa iyo qayla-dhaanta dibadbaxayaasha iyo sawaxanka gawaarida gaashaaman ee Ciidamada Boolisku u adeegsadaan rabshadaha ayaa maalintii 2aad lagu arkayaa Xaafadda Belville ee ay Soomaalida ku badan tahay.

Kumanaan shacab ah oo xiran Funaanado ay ku sawiran yihiin Madaxweynihii caanka ahaa ee geeriyooday Nelson Mandela iyo kan haatan talada wadankan Koonfur Afrika haya ee Jocub Zuma, ayaa iyagoo caraysan si koox koox ah u maraya Waddooyinka waaweyn ee Magaalada, kuwaasi oo ay geesaha ka ilaalinayaan Ciidamada Rabshadaha ka hortaga oo si aad ah u hubaysan.

Banaanbax 1

Dibadbaxayaasha oo taageersan xisbiga talada dalka haya ee ANC, ayaa ka dalbanaya Dowladda K/Afrika in loosiidaayo Laba ka mid ah Hogaamiyaasha u ololeeya Dadka madowga ah oo Maxkamadeyntoodu ay ka socoto maalintii 2aad Xaafadda Bellvile oo ay Soomaalidu ku badan tahay.

Waxaa gabi ahaanba xiran Goobaha laga dukaamaysto ee ay Soomaalida ku leedahay Bellvile, iyagoo ka cabsi qaba in ay mehradahooda ganacsi cagta mariyaan Mudaharaadayaasha, kuwaasi oo shalay gabi ahaanba bililiqaystay Suuqii Khudaarta ee ugu weynaa xaafadda Bellvile.

Si kastaba ha ahaatee, Banaanbaxyadan maalintii 2aad saameynta ba’an ku reebay Soomaalida, ayaa kusoo beegmaya xilli ay ganacsatada Soomaaliyeed cabsi hor leh soo wajahday ka dib markii ay bateen maalmihii lasoo dhaafay weerarada tooska ah ee ay Burcadda South African-ku la beegsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

C/risaaq IndhaJaceyl
Cape Town, South Africa
+27783420920
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com