Horjoogaha Raaskambooni Axmed Madoobe Oo Degdeg Diyaarada Ugu Laabtay Markii Uu Waji Gabax Kala Kulmay Shirkii Muqdisho Ee Golaha Amaanka

0

Kismaayo (AGGM) Ilo lagu kalsoonyahay oo AGGM ay kala hadashay madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegaya in horjoogaha Raaskambooni Axmed Madoobe uu waji gabax kala soo kulmay shirkii ka dhacay Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa ka xanaaqay shirkaas oo aan ajendhihiisa horey loo sii siin iyadoo uusan u diyaargaroowbin oo ku gaaray Muqdisho si deg deg ah ayaa waxaa dhacday in horjoogahaas aan wax hadal ah looga ogolaan goobta uu shirka ka dhacayay.

Shirka ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay goobjoog ka ahaayeen 15ka dal ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warar kale ayaa sheegay in xubnaha golaha amaanka ay su’aallo la xiriira xuquuqda aadanaha iyo dhoofinta dhuxusha Kismaayo ay waydiiyeen horjoogahaas oo aan bixin wax jawaab waafi ah.

Xubnahaas ayaa waxa ay amar ku siiyeen horjoogaha Raaskambooni in uu si deg deg ah u joojiyo dhoofinta dhuxusha sharci darada ah.

Ciidamada Kenya ee kamid ah howlgalka AMISOM ee Kismaayo iyo ciidamada Raaskambooni ee beesha ka kooban ayaa ku lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darada oo ay ku maalgeliyaan Alshabaab iyo beelo gaar ah.

Axmed Madoobe ma siisin wax hadal ah saxaafada Kismaayo oo ku sugeysay Aariboorka, wuxuuna si deg deg ah ugu cararay gaari, isagoo billaabay in uu kulamo la qaato saraakiisha AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com