Dhageyso:Maxamed Cabdullaahi Farmaajo “Madaxweyne Xasan Sheekh Mudada Uu Hayay Xilka Waa Waqti Ka Dhumay Ummada Soomaaliyeed”.

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in Shirkii Mareykanka ay kasoo gaareen guulo, balse Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Somalia ayaa sheegay in Dowladda aysan ka run sheegin Shirkaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in loo baahnaa mudada Labada Sano in Dowladda ay ka guul gaarto Amaanka iyo dhaqaalaha ,balse ay taasi ku guuldareesatay taasi oo uu sheegay in ay ku weysay taageeridii ay ka heli lahayd Mareykanka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG ahayd Mr Farmaajo oo ka hadlay Arrimaha Badda Soomaaliya ayaa sheegay in Badda Soomaaliya badbaadinteeda looga baahan yahay Baarlamaanka.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa laga sugayaa in Doorasho ay qabato sanadka 2016 xili la aaminsan yahay in Dowladda aysan sameyn horumaro badan oo sahli kara qabsoomida Doorashada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com