Dhageyso: Nabadoon Naaleeye” Waxan Ka Digaynaa In Shirka Kismaayo Laga Qaybgalo,Dawlada Waxay Doonaysaa In Ay Beel U Xalaaleyso Kismaayo, Garab Ayayna Ku Siisay Axmed Madoobe Dhiiga Uu Daadinayo ”

0

Kismaayo (AGGM) Nabadoon Xuseen Xasan Naaleeye oo ka mid ah nabadoonada ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa ka digay shir beenbeenaad hada laga qaban qaabinayo magaalada Kismaayo.

Nabadoon Naaleeye ayaa sheegay in kooxda sheegaynayso inay matasho umada deegaanka ee Kismaayo jooga ee dabadhilifka u ah Axmed Madoobe ay yihiin caadaqaatayaal sidaas darteedna aysan gabi ahaanba matalin umada deegaanka.

Nabadoonka ayaa horjoogaha Raaskambooni ku eedeeyay in ay xasuuqeen shacab farabadan oo kamid ah dadka degan Jubbooyinka.

Wakiilka  IGAD ayaa ku eedeyay in uu qeyb ka yahay xasuuqa ka socda Kismaayo ayna beel ahaan ugu middoobeen dhibaatayna umada deegaankaas degan.

Nabadoon Naaleeye ayaa yiri ” Waxa Kismaayo Jooga Waa Caadaqaatayaal, Dawlada Garab Ayay Ku Siisay Dhiiga Uu Daadinayo Axmed Madoobe”

Bisha September 25keeda ayaa waxaa koox beeleedka Raaskambooni ay abaabulaysaa shir ay ku doonayaan in lagu xalaaleeyo.

Nabadoonka ayaa yiri “Adeer nin ka soo duulay kelinka shanaad ee Itoopia maxaa wax iskuuga keya daray adeer ninkaan marar badan ayaan lahadalnay nin hadal yeelaaya ma ahan”

Nabadoon Naaleeye ayaa intaas ku daray maahmaah uu ugu maahmaahayo Axmed Madoobe” Soomaalida waxay tiraahdaa nin naagtaada raba gabadheyda hoo kaamayeelaayo axmed waxaa uu u bartay dhiiga shacabka ku nool jubooyinka wax ha laguu sheego ma yeelayo”

Nabadoonka ayaa ugu dambeyntii sheegay in dhawaan uu rajeynayo in laga dulqaado umada deegaankaas degan oo iyadu wax wada qeybsan karta.

Halkaan Ka Dhageyso Nabadoon Xuseen Xasan Naaleeye

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com