Daawo: Somaliland Oo Fashilantay Kaddib Dibadbaxii Lagu Taageerayay Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh Ee Ka Dhacay Laascaanood

0

Laasccaanood (AGGM) Doorashadii taariikhiga ahayd ee maanta ka dhacday deegaanka Saaxdheer ayaa waxaa si hamuun leh u soo dhaweeyay shacabweynaha Khaatumo ee ku nool deegaanada ay Somaliland xooga ku haysato.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah oo ku dhawaayay hadalo ay ku taageerayeen madaxweynaha cusub ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

Dadkaas ayaa waxaa maanta rasaaseeyay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland oo ka xun sida ay wax uga dhaceen magaaladii ay maamulayeen.

Dadka la rasaaseeyay ayaa la soo sheegayaa inay u badnaayeen rag, dhalinyaro, haween iyo carruur, kuwaasoo ku faraxsanayaa in Mr Galaydh oo shahaadada PHD haysta uu ku guulaysto in uu hoggaamiyo maamulka Khaatumo State.

Halkaan ka daawo Banaanbaxa Taageerada Cali Khaliif Galaydh

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com