Daawo: Orodyahanka Soomaliyeed Maxamed Faarax Oo Soo Rogaal Celiyey

0

Zurich (AGGM) Kaddibmarkii in muddo ah uu ciyaaraha uga fadhiyey dhaawac soo gaaray orodyahanka Soomaaliyeed Mohamed Farah ayaa guul soo hooyiyey horyaalka orodyahana Yurub oo lagu qabtay garoonka Letzigrund stadium ee magaalada Zurich ee wadanka Swizerland.

Maxamed Faarax wuxuu ku guulaystay tartanka 10,000  Meter, taasoo u noqonaysa guushii ugu weynayd ee uu gaaro xagaagan.

Saxaafada Britian ayaa hadal haysay in Maxamed Faarax uusan awood u lahayn in kol-kaan uu qaato bilad waa sida ay sii saadaaliyeen balse taasi ma aanay noqon.

Dhawr ciyaaryahan oo kale oo u dhashay wadanka Britian ayaa guulo kale oo muhiim ah u soo hooyiyey wadanka boqortooyada Ingiriiska.

Halkaan Ka Daawo

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com