Daawo: Beesha Sade Oo Shir Xasaasi Ku Qabatay Muqdisho, Kana Soo Horjeesatay Shirka Gobolada Dhexe(Ugaas Ciise Iyo Xildhibaano Fariin Cad Diray)

0

Muqdisho(AGGM) Kulan ballaaran ayaa waxaa maanta magaalada Muqdishu ee caasimada Soomaaliya ku yeeshay odayaal, waxgarad, xildhibaano, haween, aqoonyahano, dhalinyaro iyo qeybaha bulshada Beesha SADE.

Kulankaas waxaa gabi ahaanba lagu qaadacay shirk u sheega uu soo dhoodhoobay raisul wasaaraha dalka Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, kaasoo ay beeshu sheegtay in aysan go’aan u gaari Karin cid kale.

Ugaas Ciise Ugaas Cabdule ayaa sheegay in markii ay la tashadeen bulshada SADE ay u arkeen in  shirkaas aysan wax dan ah ugu jirin beelweynta SADE Daarood.

Xildhibaan Nuur Faarax oo isna shirkaas ka hadlay ayaa fariin u diray dadka howshaas gacanta ku haya, isagoo u sheegay inaan dhagax la Karin Karin sidaas darteedna aysan beesha SADE diyaar u ahayn gacmo qabashada kooxda shirkaas qabanqaabinaysa.

Halkaan ka daawo kulanka ay beesha SADE Muqdisho ku yeelatay.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com