Dhageyso+Sawiro: Prof.Cali Khaliif Galaydh Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Khaatumo State.

0

Saaxdheer(AGGM) Golaha wakiilada Khaatumo State ayaa waxa hadda doorasho lagu soo gabagabeeyay Saaxdheere si toos ah loogu doortay madaxweynaha Khaatumo State.

Waxaa haatan soo dhamaatay Doorashadii madaxwaynaha maamulka khaatumo taasi oo ay ku tarmatayeen Mudane Dr Cali Khaliif Galaydh iyo Madaxwayinihii hore ee maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indhosheel

Doorashada ayaa waxa Lagu kala baxay Wareegii Koobaad, waxaana Madaxwaynaha maamulka Khaatumo  noqday Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi Caan ah oo Raysal wasaarana kasoo noqday wadanka Soomaaliya.

Waxaa cododka ay u kala heleen labada Musharax Cali Khaliif Galaydh ayaa wuxuu helay 21 Cod, halka musharax Maxamed Yuusuf Jaamac uu ka helay 9 Cod.

Sidoo kale waxaa haatan Qudbado Jeediya madaxwaynihii hore ee maamulka khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac indhosheel iyo waliba sidookale Madaxwyanaha Cusub.

Halkaan Ka Dhageyso

kha2

kha

kha3kha4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com