Yaab: Al Shabaab Oo Laba Ruux Oo Shacab Ah Ku Goowracay Deegaanka Cabdalle Biroole Ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka Naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa sheegayaan in laba qof oo rayid ah lagu dilay deegaanka Cabdalle Biroole oo ku yaalla galbeedka magaalada Kismaayo ee gobolkaas.

Wararka laga helayo dad goob-joogeyaal ahaa ayaa sheegayo in kooxda falaagada ah ee Al-Shabaab ay dileen labadan qof kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya.

Goob-joogayaashu waxay ku warramayaan in dilka labadan qofood loo adeegsaday Tooreey oo la goowracay, meydkoodana laga helay goob cidla ah.

Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa dhawaan dagaal ku qaaday fariisimo ay ku leeyihiin falaagada Al-Shabaab galbeedka magaalada Kismaayo waxayna sheegteen in ay la wareegeen, balse sida ay ku soo waramayaan dadka deegaanadaas weli waxaa ku sugan kana arimiya falaagada Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com