XOG QARSOON: Madaxwaynaha Puntland Gaas Oo La Ogaaday In Uu Gacantiisa Ku Sixiixay Maamul Ay Yeeshaan Mudug iyo Galgaduud Xiligii Uu Raisul Wasaaraha Ahaa

0

Muqdisho (AGGM) Sida laga helay ilo ku sugan Muqdisho madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo horey ra,iisal wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa waxa uu sixiixay dukumenti 10 qodob oo federaalka lagu dhisayo uu ku qornaa.

Madaxda dawlada haatan oo uu horkacayo raisul wasaare Cabdiwali Sh Axmed ayaa u cuskanaya habkii ay mareen madaxdii ka horey ee qoraalkaas sixiixay, kaasoo sidoo kale ay kamid ahaayeen raga sixiixay madaxweynihii hore Puntland Dr Faroole iyo Caalin.

Dukumentigaas ayaa waxaa sidoo kale ku xusan qaabka loo wadaagayo dhaqaalaha, ciidamada iyo mashaariic kale. Balse dawlada federaalka ayaa hormuud u ah howlahaas oo dhan.

Puntland waxa ay ka carootay qorshaha ay dawlada Soomaaliya ugu dhisayso maamul mideeya umada degan gobolada Mudug iyo Galgaduud oo isku deegaan ah.

Akhri Dukumentiga

sir 2 sir

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com