Dhageyso+Sawiro: Madaxda Dawladda Soomaaliya Iyo 15 Xubnood Oo Golaha Amaanka Ah Oo Muqdisho Ku Shirsan

0

Muqdisho (AGGM Xarunta Xalane ee fariisinka u ah  Ciidamada AMISOM  ayaa waxaa si toos ah uga kulan ballaaran oo ay yeelanayaan madaxda Soomaalida iyo wafti heer sare ah oo ka socda QM.

Shirka oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa wuxuu hadda ka dhacayaa xarunta Xalane ee fariisinka u ah Ciidamadda AMISOM.

Shirkaas waxaa goobjoog ka ah wafti heersare ah 15 Xubnood ee joogtada ka ah Golaha Amaanka ee QM kooxdaas oo qeyb ka ah dabagalka Cunaqabateynta  Hubka Ee Soomaaliya laga qaaday, amniga iyo maamul fidinta.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa waxa ay ka kala socdaan wadamada kala ah Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iy Maraykanka (USA).

Shirka waxaa ka qeybgalaya maamul Goboleedyada sida Ximin iyo Xeeb, Galmudug iyo kuwo kale. Balse Puntland ayaa qaadacday inay ka qeybgasho. Madaxweyneha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  Ra’iisal Wasaaraha iyo marti kale.

Halkaan Ka Dhageyso

jj5  jj3 jj2 jj1 jj

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com