Horjoogaha Raaskambooni Axmed Madoobe Oo Muqdisho Gaaray

0

Muqdisho (AGGM) Horjoogaha 1aad ee RaaskambooniAxmed Madoobe ayaa gaaray magaalada Muqdisho eecaasimada Soomaaliya.

Safar Madoobe ayaa wuxuu si aad ah uga badelanyahay safaradii hore, maadaama aysan jirin soo dhaweyn iyo wax buun buunin ah oo aan xilligaan loo samaynin.

Wuxuu horjoogahan xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho kaga qeybgalayaa shir ay dawlada Soomaaliya ugu yeertay.

Horjoogahan ayaa waxaa haysashadii Kismaayo hareeyay muran siyaasadeed xoogan, kaasoo sababay in beesha caalamka ay shaki xoogan ka muujiso.

Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in Kismaayo uu ku qabto shir uu isku xalaalaynayo kaasoo aan la ogeyn sida uu ugu dhici doono maadaama uusan haysan taageerada beelaha deegaanka oo si adag uga horyimid.

Shirka hadda wuxuu ka soconayaa xarunta Xalane ee AMISOM waxaana ka qeybgalaya madaxweynaha iyo madax kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com