Daawo: Eboola Oo Daawo Cusub Lagu Tijaabinayo

0

Mareykanka(AGGM) Sida ay qabaan guddi dhaqaatiir ah oo ka socda laanta caafimaadka adduunka ee WHO waxaa dhici karta in daawo cusub ay xal u noqon karto inay daawayso vaariska Eboola.

Eboola waa cudur dilaa ah oo ka dilaacay galbeedka qaaradan Afrika. Waxaa la rumeysan in inkabadan 1000 qof uu ku dilay dalalka Liberia, Siralilyoon, Guinea iyo Nigeria.

Daawadaan ayaa la sheegay in ay tahay daawo aan horey loogu tijaabin bani’aadan balse la rumeysanyahay in ay daweyn karto vaariska Eboola.

Eboola waxaa ka walwalsan caalamka oo dhan maadaama ay dhici karto in uu xuduudaha ka tillaabo taasoo sababi karta inuu gaysto dhibaato baaxad leh.

WHO waxay aaminsantahay in xilligaan aan lagu degdegi karin in la yirahdo daawadan waxay si rasmi ah u daaweyn kartaa vaariska balse waxay sheegtay in la eegi doono tijaabada.

Halkaan Ka Daawo Daawadaas

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com