Dhageyso:Gudoomiye Kuxigeenkii Hore Ee Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Joodax “Hubka Hadaan Dhiibno Yaa Damaan Qaadaya Ammaankeena”.

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo wareysi bixiyey ayuu ka hadlay weerarka lagu qaaday dhawaan guriga Xildhibaan C/weli Qanyare isagoona ku sheegay mid Xasaanad xildhibaanadu leeyihiin in la weerarana ay khalad tahay.

Waxa kale uu ka hadlay Warsame Joodax hub ka dhigis Dawlada ay ka wado Muqdisho isagoona soo dhaweeyey arintaasi laakiin uu ka hor yimid qaabka loo wajahayo xilligaan.

Warsame Joodax ayaa sheegay in Amaanka Muqdisho markii dawlada ay gacan bir ah ku qabataa ay mudneyd in Hub kadhigis bilowdo waxaase uu is weydiiyey hadii hubka ay dhiibaan cida ilaalineysa iyaga oo dagaal Al Shabaab kala dhaxeeyo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com