Dhageyso:AMISOM Oo Cambaareysay Weerarki Ciiidamada Nabadsugidda Ku Qaadeen Hoyga Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare.

0

Muqdisho, AGGM: Kusimaha Madaxa Howlgalka Midowga Africa ee Somaliya Haweeneyda lagu Magacaabo Lydia Wanyoto Mutende ayaa saxaafada mar ay kula hadlay Muqdisho waxay si kulul u cambaareysay weerarkii Habeeno ka hor lagu qaaday Guri uu Muqdisho ka deggan yahay Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare.

Waxay Sheegtay inay sharciga Caalamiga ah ay khalad tahay in la weeraro guri uu deggan yahay Xildhibaan waxayna ku tilmaamtay Dembi Qaran.

Lydia Mutende oo hadalkeeda sii wadata waxay sheegtay inay ku boorinayaan ciidanka Dawlada inay feejignaadaan oo ay kala ogaadaan Dembiilaha,midka Al shabaabka ah iyo qofka Mas’uulka ah.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com