Dhageyso: Xaabsade Oo Ka Waramay Mustaqbalkiisa Siyaasadeed

0

Garoowe(AGGM) Siyaasi Maxamed Ibraahim Xaabsade wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland, oo horeyna xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland ayaa haatan isagoo Garoowe ku sugan wuxuu ka waramay mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Siyaasigan oo u dhashay Sool iyo Sanaag ayaa wuxuu sheegay in uu doonayo in uu qibradiisa ku siyaadiyo sidii ay u dhismi lahayd Puntland.

Xaabsade ayaa gaaray magaaladda Garoowe kaddib sida la sheegay markii uu ka soo carooday maamulka Hargeysa.Wuxuu sheegay in uu wado qorshe uu ku dhex dhexaadinayo Maamuladda Puntland iyo Khaatumo.

Xaabsade ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono Puntland hadii ay xil u magacaabaan, Siyaasada Xaabsade waxaa hareeyay mowqif la’aan iyo warwar badan iyadoo aan la garan karin hadba waxa uu damacsanyahay.

Halkaan Ka Dhageyso Maxamed Ibraahim Xaabsade

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com