Dhageyso: Wasiir Beyle” DFS Way Ka Qeybgalaysaa Shirka Denmark”

0

Muqdisho(AGGM) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in DFS ay ka qeyb galeyso shirka ay Denmark qabanqaabinayso oo 19 bisha November ka furmi doona magaalada Copenhagen.

Hadalkaas ayaa imaanaya xilli wafti ka socda Denmark ay shalay booqdeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Lama qorshaha iyo wax sababay in bisha November shir noocaasi ah lagu qabto Copenhegan balse waxaa la rumeysanyahay in Denmark oo gacan weyn u fidisay umada Soomaaliyeed ay doonayso in ay wax la qabato dawlada Soomaaliya.

Mogens Jense wWasiirka ganacsiga iyo horumarinta Denmark ayaa booqashadiisa Muqdisho waxa ay noqotay mid soo jeedata indhaha caalamka.

Halkaan Ka Dhageyso Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com