Dhageyso+Daawo: Hadalada Ay Jeediyeen Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay Iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

0

Muqdisho(AGGM) Maanta waxaa Muqdisho gaaray xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo booqasho rasmi ah dalka ku soo gaaray, iyadoo ay wadahadalo guud iyo kuwa gaar gaar ah la yeeshay madaxda dalka, xubnaha baarlamaanka iyo maamul goboleedyada.

Waa booqashadii ugu horeysay ee ay wafti noocaan ah ku yimaadaan Soomaaliya muddo 60 sano ah, waa wafti wada socda oo sidan oo kale miisaan u leh.

Hoggaanka waftiga Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo ku xigeenkiisa Danjire Usman Sarki ee Nigeria ayaa hadalo ka jeediyey ujeedada socdaalkooda.

Wafdiga Golaha Amaanka wuxuu ka koobanyahay wakiillada Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iy Maraykanka (USA)

Halkaan ka dhageyso hadaladooda iyo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle


 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com