Akhri: Cid Walba Ee Aan Deegaan Lahayn Ama Siyaasada Ku Wareerta Waxay Soo Aadaa Jubbaland(Liiska Magacyada Soo Haajiray, Kuwa Soo Haajiri Doona)

0

Kismaayo (AGGM) Waa magaallo xeebeed ku taal jubada hoose, koonfurna ka xigta caasimada soomaliya ee muqdisho, qiyaas dhan 528KM. waa magaalo madaxada gobolka jubada hoose, waana magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka. Waxa magaalada hormara webiga jubba, oo looga faa?idaysto beeraha. Waa magaallo ilaahay ku manaystay nimco. Waxaana isku-qoofalan, badd, webi, beero iyo kayn hodan ah.

Akhriste sida aad la socoto magaalada Kismaayo waxa ay noqotay nin ba’aw yaa ku leh kaddib 24 sano oo dagaallo sokeeye ay dalka ka jiraan ayaa waxaa nasiib daro ah in casharadii aan ka baranay dagaalada sokeeye ay wali ka sii socdaan dhulkeena hooyo.

Horaan waxaa u jirtay in QM ay soo saartay liis qaswadayaasha Soomaalida, hadda anigu waxaa idiin soo gudbin doonaa Liiska Dadka Soo Haajiray iyo Kuwa Soo Haajiri Doona ee ku soo socda Kismaayo si ay u boobaan kheyraadka iyo dhulkaas oo ay iyagu u haystaan inaysan jirin cid leh.

Qoraalkan oo muddo 1 sanno ah aan arruurinayay waxaan ku eegi doonaa magacyo iyo xog aan is iri waad la wadaagi kartaa umada Soomaaliya.

22-27 bishii May 2014 waxaan safar ku tagay Kismaayo; waxaan soo arkay jabhad qabiil tii ugu liidatay oo maamulaysa magaaladaas oo taariikh muhiim ah leh. Kismaayo waxaad ku arkaysaa maleeshiyo la leeyahay Cowlyahan, Bartire, Reer Isaaq iyo Reer Cabdulle kuwaasoo isku fidiyey meel walba oo qeyraad uu ku jiro ama nacfi leh sida Aariboorka, Dekada, iyo dhamaan dhismayaashii umadii lahay boobka ay uga qaateen… Waxaa kaaf iyo kala dheeri ii noqotay waxa ay caalamka ku qaldaan iyo xaqiiqda meesha ka jirta.

Boobka Kismaayo hadda ma billaaban ee wuxuu billawday markii shirarkii Kismaayo kow la bilaabayay ooh al beel ah ay isu kala qeybisay Raskanbooni,  Azania, Harti-Group iyadoo beelaha kale u casuuntay ka soo qeybgalayaal sida Ahlu-Suna Waljameeca oo uu matalayay hal nin ah oo aan awood badan lahayn.

Kismaayo waxaa laga sameeyay wax loogu yeero WAA LAGULA SOCDAA WAXA AAD TAHAY, Waxaa loogu hanjabaa beel gaar ah dadkeeda, kuwaasoo indhahooda aysan daawan Karin cadaalad darada magaalada ka jirta.

Haddii aan u soo laabto mowduuca halkaan waxaa idin kugu soo gudbiyaa REER BA’AW YAA KU LEH, Magacyada iyo dadka sida gaar ah ugu soo haajiray Kismaayo ee aan deegaankaas u dhalan ama aan waligood arag.

  1. Xuseen Aadan waa taliyaha ciidamada Kenya AMISOM ee Jubbooyinka, waa nin Ogaadeen ah hadda wuxuu Kismaayo ka iibsaday guryo deegaan ah
  2. Maxamed Warsame Darwiish waa sarkaal si qarsoon wax dila, haddana ku magacaaban wasiirka arrimaha gudaha deegaan ahaan wuxuu ka soo jeeda Kilin 5
  3. Cumar C/rashiid waa aqoonyahan, raisul wasaare horey uga soo noqday Soomaaliya, wuxuu deegaan ahaan ka soo jeedaa Qardho Puntland
  4. Abshir Muxumed Coloow waa islamiste ka tirsanaa Raaskambooni Alshabaab, waa nin beesha Ogaadeen Kenya ka soo jeeda, hadda wuxuu yahay agaasimaha madaxtooyadda iyo xafiiska Axmed Madoobe
  5. Axmed Madoobe waa askari, hadda ah maamulaha Kismaayo wuxuu deegaan ahaan ka soo jeedaa Kilin 5
  6. Maxamed Cabdi Gaandhi waa aqoonyahan, wasiir hore oo gaashaandhig ah, beeshiisu Cabdalle ma degto Soomaaliya waxay degtaa Itoobiya iyo Kenya
  7. Yuusuf Xaaji  siyaasi rug cadaa ah, wasiir hore oo gaashaandhig Kenya, wuxu ka soo jeedaa Gaarisa Kenya
  8. Cabdirashiid Gooni sarkaal ONLF, qurbajoog lacagaha iyo propaganka u qaabilsan ONLF hadda wuxuu ku magacaabanyahay maamulaha gobolka Jubbada hoose
  9. Maxamed Ibraahim Xaabsade siyaasi Laascaanood ka soo jeeda muddo u kala socday Somaliland iyo Puntland, hadda wuxuu u soo socdaa Jubbaland si uu halkaas xil uga qabto
  10. Cabdiraxmaan Faroole madaxwene hore ee Puntland, waa reer Nugaaleed, wuxuu hadda qorsheynayaa inuu shirkad iyo deegaan ka samaysto Kismaayo

Bal u fiirsada raggaas oo dhan ama si gaar ah u raadi taariikhdooda, maxay tahay sababta ay u soo jiireen boqolaal Kiloomitir oo ay dhul dad leeyahay ugu soo duuleen. Ileen Daarood dhulka waa kala leeyahay, waayo anigu inta aan Tago Boosaaso ma sheegan karo waayo ninbaa iska leh.

F:G: AGGM Xuquuqda Qoraalka masuul kama ahan, waxaa iska Leh qofka ku qoran Bogan.

W/Q: Dalal Warsame

dalalwarsame@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com