Dhageyso: Ardayda Jaamacadaha Muqdisho Oo Ku Banaanbaxay Xasuuqa isra’il Ee Gaza

0

Muqdisho (AGGM) Boqolaal  Dadweyne ah oo u badan ardayda wax ka dhigata dugsiyada magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay banaanbax ballaaran.

Banaanbaxa ayaa lagu diidanaa duqeynta ay Israa’iil ku hayso Marinka Gaza iyo xasuuqa carruurta reer Falastiin ee la gumaadayo.

Israa’iil waxay duqeeymo ku haysaa shacabka reer Falastiin taasoo horseeday in dawlada qaarkood ay ugu yeeraan xasuuqii aysan indhahooda daawan Karin. Beesha Caalamka ayay ka codsadeen banaanbaxayaasha inay wax ka qabato dhibaatada lagu hayo reer Falastiin.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay amaaneen madaxweynaha Turkiga Reccep Dayib Erdogan iyo boqorka Qatar oo kaalmo bina’aadanimo u fidiyey dhaawaca reer Falastiin.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com