Daawo: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Ku Fashilmay Hogaanka Dalka Iyo Waxgaradka Beesha Sade Oo Si Cad U Diiday Qorshihiisa Guracan Ee Maamul Usameynta Gobolada Galguduud iyo Mudug.

0

Caabudwaaq (AGGM) Kulan ka dhacay magaalada Caabudwaaq ayaa waxa lagu taageeray qaadacaada ay beesha Sade qaadacday heshiiska gobolada dhexe ee  dhawaan magaalada Muqdisho lagu sixiixay.

Shalay ayaa waxaa heshiiskaas ka soo horjeestay Xildhibaanada beesha SADE oo muddooyinkaan ku sugnaa magaalada Caabudwaaq.

Dhinaca kale R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa dhan walba waxa  uu ugu fashilmay hogaanka dalka, Waxgaradka beesha Sade ee Gobolka Galguduud ayaana waxa ay si cad u diideen qorshihiisa guracan ee maamulka loogu sameenayo gobolada Galguduud iyo Mudug.

R/wasaaraha ayaa horey waxa uu ugu soo fashilmay maamul usameynta gobolada Jubbooyinka, Shabeellaha Hoose Bay iyo Bakool iyo maamul dowladda u magacowday degmada Buula Burde oo dadka deegaankaas ay si aad ah uga biyo diidan yihiin ilaa iminka.

Isku soo wada duuboo dadka indha indheeya siyaasada ayaa waxa ay isku raaceen haddii lagu sii daawado oo aan wax laga qaban Maamul iyo Talo xumada  R/wasaare Cabdiwali Sheekh in uu dalka u horseedayo inay dib uga qarxaan dagaalo sokeeye oo hor leh.

Halkaan Ka Daawo Videoga

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com