Dhageyso: Madaxweynihi Hore Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan “Hubka In Laga Qaado Dadka Waxaa Ka Horeysa In Ammaan Jiro Uu Dadku Hubka Uga Maarmo”.

0

Muqdisho (AGGM Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in wax laga bedelo wadada loo marayo in hubka looga aruuriyo Muqdisho.

Cabdiqaasim ayaa sheegay in dawlada looga baahanyahay inay la timaado qorshe cad oo hubka laga dhigo shacabka iyadoo aanay dhicin wax iska hor imaad ah.Waxa uu sheegay in sida hadda ay wax u socdaan ay keeni karto xiisad aan fiicnayn.

Cabdiqaasim Salaad ayaa dhaliilay in xlidhibaan qaran la weeraro laakiinse wuxuu dhinaca kale shacabka ugu baaqay inay dawlada ku gacan siiyaan xaqiijinta amniga guud.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ay maalmahan ka wadeen hub ka dhigis lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaad awood ciidan ku leh caasimaha oo ay kamid yihiin xildhibaano iyo siyaasiiyiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com