Abaaro Iyo Xanuuno Ka Dilaacay Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Mudug.

0

Gaalkacyo, AGGM: Maamulka deegaanka Ceel-Guula ee gobolka Mudug ayaa maanta sheegay in degmada iyo deegannada ku dhow dhow ay ka jiraan abaaro iyo cuduro saameyn weyn ku reebay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanka Ceel-Guula .

Guddoomiyaha Ceel-guula Cali Baashi Macalin Aadan, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xilli roobaadkii gu’ga oo aan si weyn uga da’in gobolka Mudug uu sababay abaarta, iyadoo tuulooyin dhowr ah aysan dadka haysan biyo ay cabaan.

Cali Baashi Maca;llin Aadan ayaa sheegay in sido kale in ay jiraan cuduro uu ka mid yahay cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay degaanadaas,isagoo intaa sii raaciyey in isbitaalada ku yaala halkaas ay yihiin kuwa aan dabooli Karin baahida cafimaad ee ay dadka xilligan qabaan.

Guddoomiya Ceel-Guula, ayaa tilmaamayin in tiro xoola ah ay ku dhinteeen deeganada hoos taga Ceel Gula todobaadyadii laso dhaafay.

Cali Baashi, ayaa ka codsaday dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka gobolka Gal-Mudug in gargaar la gaarsiiyo dadka halkaasi ku dhibaateysan, si looga hortaggo in dadka iyo duunyada ay u geeriyoodaan sababo ka dhashay abaaraha iyo cudurada halkaas ka dillaacay.

Dadka ku nool deeganada fog fog ee gobolka Mudug ayaan helin wax gar gaar xiliyadii uu danbeeyey sida uu sheegay Gudoomiyaha degmada Ceel Gula oo ka tirsan gobolaas mudug, wuxuuna ugu baaqay qurba joogta ka soo jeeda maamul goboleedka Gal-mudug iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad bini’aadanimo la gaaraan dadkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com