Xog: Maleeshiyaad Ka Goostay Axmed Madoobe Oo Ku Biiray Al Shabaab Iyo Tuhunki Beesha Caalamka Oo Soo Baxay.

0

Kismaayo, AGGM: Ilo wareedyo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo si hoose Ulla Hadlay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay inoo sheegeen in tuhunki beesha Caalamka ka qabtay maleeshiyada Raaskambooni uu soo ifbaxay kadib markii todobaadki tagay iyo biloowga todobaadkanba ay Maleeshiyaad farabadan ka goosteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyagoo ku biiray falagada Al Shabaab.

Maleeshiyaadan ka goosatay Horjooge Axmed Madoobe ee ku biiray falaagada Al Shabaab ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay inay kor u dhaafayso 170 waa sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedkeena ku sugan magaalada Kismaayo

Ilo wareedkeena ayaa waxa kale oo uu inoo xaqiijiyay in Maleeshiyadan ku biiray Al Shabaab ay kasoo kala jeedeen beelaha Cowlyahan iyo Muqaabil.

Goosashada maleeshiyaadkan ayaa waxa ay ka dambeeysay kadib markii uu horjooge Axmed Madoobe uu dul dhigay amar maleeshiyada Raaskambooni, amarkaas oo lagu sheegay in Maleeshiyada laga xareeyo Hubka Waaweyn balse nasiib daro ciidamada goostay ee ku biiray Al Shabaab ayaa waxa ay wateen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale maleeshiyaad kasoo jeeda beesha Bartire ayaa iyaguna waxaa la sheegayaa inay u goosteen dhanka deegaanada hoostaga Xagar.

Sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo ka goostay Maleeshiyada Raaskambooni kuwaa oo kamid ahaa ciidamadi lagu soo tababaray Dalka Kenya. waxa ayna ka koobnaayeen Qabiilada Soomaalida kuwaa oo gaaray deegaanka Goobweeyn oo ay fariisimo waaweyn ku leeyihiin ciidamada huwanta ah ee Isbaheysiga Nabadda Iyo Hrumarinta Jubba ee uu hogaamiyo Col Bare Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Isku soo wada duuboo waxaa soo ifbaxaya tuhunkii mar walba ku taagnaa beesha Caalamka kaa oo ahaa in aan la marnaba la aamini karin Axmed Madoobe iyo maleeshiyadiisa Raaskambooni maadaamada ay asal ahaan kasoo jeedaan amaba kamid ahaayeen falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com