Xog Hoose: Axmed Madoobe Oo Fartaag Iyo Lugadheere Ku Amray Inay Beelahooda Soo Xareeyaan

0

Kismaayo(AGGM) Sidaad la socotaan waxaa dalka Maraykanka safar ku jooga horjoogaha 3aad ee Raaskambooni Cabduqaadir Xaaji Maxammuud oo beesha Shiiqaal ka soo jeeda.

August 8deedi waxaa Kismaayo ka soo dhoofay horjoogaha 2aad ee Raaskambooni Fartaag, oo haatan ku sugan Nairobi.

Laba nin ayaa safarkooda waxaa naga soo gaaraya xog muhiim ah, taasoo la xiriirta waxa ku soo beegan in labadooda ay isku mar soo baxaan, ayna labaduna la kulmaan jaalliyadaha Shiiqaal iyo SADE.

Lugadheere oo la hadlay BBC-da ayaa wuxuu u sheegay in uu Maraykanka u yimid siddii uu ula kulmi lahaa jaaliyadda Soomaalida ee Jubbooyinka ka soo jeeda. Dabcan waa jaalliyada beel ahaan uu ka soo jeedo inkastoo uusan carabka ku dhufan.

Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu ka warbixiyo xaalada maamulkooda dhicisoobay. Maamulkaas waxaana xittaa wax kale iska daa aana gacanta ugu jirin magaalada Kismaayo oo ay firxad uga soo baxeen iyagii lahaa waxaan haysanaa magaalada.

Howlgal madadaalo ah oo uu dhawaan sheegay horjoogaha 1aad ee Raaskambooni ayaa meelna gaari la’, isagoo ku gaafwareegaya hareeraha Kismaayo.

Fartaag ayaa isna la sheegay in uu dibada ugu soo baxay kaddibmarkii uu horjooge Axmed Madoobe u sheegay in haddii uusan beeshiisii keeni karin nin kale lagu badeli doono maadaama dhawaan lagu wado in Kismaayo uu ka dhaco shirkii seddaxaad ee loo qabanaayo beelaha deggan Jubbooyinka sida ay sheegeen kooxda Raaskambooni.

Raaskambooni wuxuu caddaadis xoogan ka haystaa beesha caalamka iyo dawlada Soomaaliya oo ku qasabtay in ay qabtaan shir ay isku xalaalaynayaan maadaama maamulkaas uu yahay xaaraan.

Ugu dambeyn labada nin ayaa lagu waddaa inay jaalliyadaha Shiiqaal iyo SADE ka baryaan inay taageeraan maamulkaas dhicisoobay maadaama ay halis ku jiraan oo kuraasidooda ay ku weyn karaan haddii aysan soo abbaabulin beelahooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com