XOG:- Al-shabaab oo la’a dhalinyaro u fulisa dilalka iyo Qaraxyada Muqdisho ka dib markii..

0

Muqdisho, AGGM: Magaalada Muqdisho waxaa maalmahaan dambe aad uga sii yaraaday falalka Al-shabaab ay dhalinyarada ugu dhiibi jireen Qaraxyada iyo dilalka Laba arin oo is biirsaday.

Waxaa yidim Wasiir Ereg oo aad u yaqaana goadadka Shabaabka iyo sida loola dagaalamo waa talaabada Koowaad ee keentay in dhalinyaradii Al-shabaab ay Muqdisho ka cararaan.

Sidoo kale Talaabada Labaad ayaa ah Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo Kaw iyo Kurtub (dil) u keentay cid walba oo Al-shabaab ah misane cadeen lagu helo.

Markii ay Arkeen dhalinyaradii Al-shabaabka ahaa dilalka aan kala joogsiga lahayn ee Maxkamada ka fulinayso Muqdisho laguna fulinaayo saaxiibadood, waxay danta keentay in nin walba Naftiisa uu meel u raadsado.

Saraakiishii Al-shabaab ee dhalinyarada soo uruurin jiray waxay waayeen wiil ay siraan ama lacag ay siiyaan si amni xumo u sameeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com