Waftigii Denmark Oo Hargeysa Booqday

0

Hargeysa(AGGM) Wafti balaaran oo isugu jira wasiir, diblamaasiyiin iyo saxafiyiin ilaa 20 gaaraya oo  ka socda dawlada Denmark ayaa galabta 4:30kii waxa ay gaareen magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Waftiga oo uu horkacayo wasiirka ganacsiga iyo horumarinta dawlada Denmark Mr Mogens Jensen ayaa waxa kulamo la qaateen madax ka tirsan Somaliland.

Somaliland waxa ay gacanta ku haysaa nin u dhashay goboladeeda oo Hargeysa ugu xiran dil uu horey ugu soo gaysteen nin u dhashay Denmark. Arrintaas ayaa la filayaa in waftiga ay kala hadlaan Somaliland balse maamulka Hargeysa ayaa horaan sheegay in aanay u dhiibi doonin nin dawlada Denmark.

Waftiga ayaa wuxuu maamulkaas kala hadli doonaa mashaariic dhinaca Horumarinta ah oo ay kamidyihiin barnaamijka New Deal ee Soomaaliya oo ay Dawladda Denmark qayb ka tahay, iyo wadahadalo dhawaan dhinacyada Soomaalida uga furmi doona magaalada magaalada Copenhagen.

Waftiga ayaa waxay horey u soo mareen inta aysan Hargeysa imaan magaalada Muqdisho oo ay kulamo kula soo qaateen raisul wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com