Sawiro: Banaanbax Lagu Taageerayay Maamulka Koonfur Galbeed Ee 6-da Gobol Oo Shalay Lagu Qabtay Magaalada Byadhabo.

0

Baydhabo, AGGM:Dadweyne fara badan ayaa shalay banaanbax ay kaga soo horjeedaan dhismaha maamulka Koonfur-galbeed ee sadexda gobol ka kooban maanta ka dhigay xarunta ADC ee Baydhabo oo ah xarunta maamulka lixda gobol ka kooban ee Koonfur-galbeed.

Bannaanbaxan ayaa dhanka kale lagu taageerayay maamulka lixda gobol ka kooban ee uu madaxweynaha ka yahay, Madoobe Nuunow Maxamed. Iyadoo ay dibadbaxa ka hadleen xubno badan sida afhayeenka golaha ay leeyihiin aqoonyahannada Koonfur-galbeed Dr. Fowzi Cabdi Nuur iyo nabaddoonnada kasoo jeeda Koonfur-galbeed.

Xubnaha hadlay ayaa dhammaantood xusay inaan laga noqonayn maamulka lixda gobol ka kooban, ayna muqadas tahay in la taageero maamumlkan ka kooban lixda gobol, lana difaaco midnimada Koonfur-galbeed ee lixda gobol.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan wasiir ku xigeenka Amniga dowladda federaalka Somalia iyo wafuud kale sida ugaasyo iyo sama-doonno ka socda maamulka saddexda gobal ee Koonfur-galbeed.

Dibadbaxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo bil k a hor Muqdisho lagu saxiixay heshiis lagu dhisayo maamul saddex gobol ka kooban, kaasoo lagu sheegay inuu bedeli doono labada maamul ee ay xurguftu ka dhexeyso.

kofur1 konfur2 konfur3 kofur3 kofur

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com