Dhageyso+Sawiro:Ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada Uganda oo madaafiic duqeyn ba’an ugu geystay Magaalada Marka! Dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo…

0

Marka, AGGM: Ciidanka AMISOM oo ku sugan magaalada Marka gaar ahaan ciidamada Dalka Ugandha ayaa shalay Madaafiic ku garaacay xaafadaha shacabka magaalada Marka kadib markii Miino kula kacday Baabuur kamid ah kolonyo AMISOM ah oo mareysay agagaaraha Buundo Bilan ee Magaalada Marka.

Ciidanka Uganda oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka hawl gala soomaaliya ayaa shalay iyo bilihii lasoo dhaafay ka geysanayey Madaafiic ay ku ciqaabayaan shacabka tabaalaysan ee magaalada Marka markasta oo gawaaridooda Al Shabaab la eegtaan qaraxyada lagu hago remote-ka oo ay inta badan isticmaalaan maliishiyaadka arxanka daran ee Alshabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa Magaalada Marka ka degan dhinac qorax ka soo baxa ee Tuulada Ceel Xaaji Yuusuf iyo sidoo kale qorax dhaca Magaalada Tuulada Ceeljaale. Ciidanka AMISOM oo ka socda Uganda ee degan Ceel Xaaji ayaa markasta duqeyn aan loo aaba yeelin ka geysta mar kasta oo qarax Miino lala eegto Baabuurtooda dhex maraysa Magaalada Marka.

Madaafiicda Lagu garaacayo magaalada Marka ayaa Bilaabatay kadib markii la bedelay Ciidankii Burundi oo ka tirsanaa AMISOM oo ka hawl galayay Marka lagu bedelay Ciidamo kasocda Dalka Uganda. Ciidamada Dalka Burundi ee ka tirsanaa hawlgalka AMISOM eek a hawl geli jiray Magaalada Marka ayaan ebid Madaafiic ku garaaciin shacabka magaalada Marka si kasta oo qarax loogu geysto gawaaridooda gudaha Magaalada Marka, Ciidanka Burundi ayaa markii qarax loo geysto si degdeg ah Baaritaan ugu sameyn jiray agagaaraha xaafada lagu qarxiyo iyaga oo uun qaban jiray dhalinyarada ay uga shakiyaan inay ka tirsan yihiin Maliishiyada Alshabaab.

Dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa indhaha ka qarsaday falalka guracan oo Ciidanka AMISOM gaar ahaan ciidamada dalka Uganda u geystaan shacabka Soomaaliyeed oo u dhaxeeya ciqaabta iyo arxan darada Kooxda Alshabaab iyo qeybo ka tirsan Ciidamada AMISOM eek a hawlgala Soomaaliya.
Masawiradda aad aragtaan ayaa ah duqeyn Ciidanka Uganda ee AMISOM oo Fadhiya Ceel Xaaji ay shalay ka geysteen Magaalada Marka.

AMISOM oo Madaafiic ku garaacday Marka AMISOM oo Madaafiic ku garaacday Marka_1 Merka town oo AMISOM duqeysay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com